Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael Langley, ayaa ugu baaqay wadamada Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, inay door muuqda ka qaataan sugidda amnigooda, xilli Mareykanku dib u eegis ku sameynayo kaalintiisa militari ee qaaradda Afrika.
Isagoo ka hadlayay Shirweynaha Taliyeyaasha Ciidamada Qaaradda Afrika oo ka socda magaalada Nairobi, General Langley wuxuu sheegay in Mareykanku wali ka go’an tahau inuu taageero la garab taagnaado dalalka Afrika, balse ay tahay waqtigii ay Afrikaan-ku hogaamin lahaayeen sugidda amnigooda.
“Waxaa jira waxyaabo aan horey u qaban jirnay oo laga yaabo in aan hadda qaban doonin,” ayuu yiri General Langley oo intaasi ku daray “Waxaan idinka codsaneynaa inaad talaabo qaadaan oo mas’uuliyadda nala wadaagtaan.”
Hadalkan wuxuu ka tarjumayaa isbedel siyaasadeed oo cusub oo Mareykanku ku wajahayo Afrika, kaasi oo xoogga saaraya in la dhiirrigeliyo madax-bannaanida dalalka gobolka si ay u dhistaan xalal amni oo waara.
Inkasta oo Mareykanka uu sii wadi doono bixinta tababarada, taageerada sirdoonka, iyo howlgalada wadajir iyo gooni-gooni ah, haddana waxaa la filayaa in dalalka Afrika ay hoggaan u noqdaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dadaallada xasilinta gobolka.
General Langley wuxuu sidoo kale ka digay kororka khataraha ka imanaya kooxo xagjir ah oo ka howl gala Saaxil iyo Geeska Afrika – gaar ahaan Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in kaalinta hoggaamineed ee dalalka gobolka ay lagama maarmaan u tahay nabadda.
Hadalkan wuxuu muujinayaa istaraatiijiyad cusub oo Mareykanka uga gol leeyahay la-wadaagidda mas’uuliyadda amni ee Afrika, halkii uu horey uga ahaa hoggaamiye howlgallada qaar ka mid ah, gaar ahaan kuwa la dagaallanka Alshabaab yo kooxaha kale ee xagjirka ah.
Waxaa la filayaa in arrintani ay saameyn toos ah ku yeelato sida Soomaaliya iyo dalalka dariska ahi u qorsheeyaan mustaqbalka amniga, gaar ahaan, iyadoo ciidamada AUSSOM ay qorsheynayaan bixitaanka dalka dhammaadka sannadkan.
HBN ONLINE TV