Maraykanka oo wada Israatiijiyad cusub oo kahor tagaysa dagaal dhex mara Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya

Istaraatiijiyadda cusub ee amniga qaranka Maraykanka oo uu soo saaray madaxweyne Donald Trump ayaa si gaar ah u xustay qaboojinta khilaafaadka ka dhalan kara Geeska Afrika, iyadoo mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan lagu sheegay ka hortagga dagaal suurtagal ah oo dhex mara Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Maraykanku wuxuu sheegay inuu si dhow ula shaqaynayo dowladaha Afrika si loo xasiliyo gobolka loogana hortago colaado cusub oo ka qarxa xuduudaha dalalkan.

Dukumintigaan ayaa muujinaya in Washington ay doonayso inay yareyso xiisadaha ka dhasha isbeddellada siyaasadda Itoobiya iyo Ereteriya, gaar ahaan kadib markii labada dal ay isku khilaafeen arrimo badeed iyo kuwa amni, kuwaas oo saamayn kara xasilloonida Soomaaliya oo xiriir dhow la leh Itoobiya iyo gobolka oo dhan. Maraykanka ayaa ku andacoonaya in dagaal ka dhex dhaca saddexdan dal uu si toos ah u saameyn karo amniga Geeska Afrika, gaar ahaan dadaallada Soomaaliya ugu jirto la dagaallanka argagixisada.

Ergayga gaarka ah ee maamulka Trump u qaabilsan Afrika, Massad Boulus, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Itoobiya iyo Ereteriya, kuwaas oo diiradda lagu saaray xakamaynta xiisadaha gobolka si looga fogaado inay gaaraan Soomaaliya. Tallaabadani waxay ka tarjumaysaa welwelka Maraykanka ee ah in haddii Itoobiya ama Ereteriya ay galaan dagaal cusub, ay Soomaaliya geli karto xaalad amni oo ka sii adag tan ay hadda la tacaalayso.

Arrinta Masar ayaa iyaduna qeyb ka ah istaraatiijiyadda Maraykanka, maadaama khilaafka biyaha Niilka ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya uu weli yahay mid saameyn ku leh amniga gobolka. Masar, oo xiriir dhow la leh Soomaaliya, ayaa ka walaacsan siyaasadaha biyo-xireenka Itoobiya, taas oo keentay in Maraykanku uu ku lug yeesho dadaallada lagu yareynayo khilaafka labada dal. Taasi waxay ka dhigaysaa Soomaaliya dal si toos ah ugu dhow xiisad kasta oo ka dhex dhalata Addis Ababa iyo Qaahira.

Qoraalka istaraatiijiyadda ayaa sidoo kale soo jeediyay in Maraykanku uu sii wadi doono taageerada amniga Soomaaliya, si looga hortago in khilaafaadka gobolka ay wiiqaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Alhabaab & Daacish. Xasilooni darrada Itoobiya iyo Ereteriya ayaa lagu sheegay mid si fudud u saameyn karta howlgalada amni ee Soomaaliya, maadaama ay Itoobiya qayb weyn ka tahay howlgalka AUSSOM iyo difaaca xuduudaha gobolka.

Ugu dambeyntii, dukumintiga Maraykanka wuxuu muujinayaa in Washington ay doonayso in Geeska Afrika uu noqdo gobol daggan oo aan colaad cusub ka billaaban, isla markaana Soomaaliya laga ilaaliyo inay noqoto qayb ka mid ah khilaafaadka is ballaarin kara. Tani waxay ka mid tahay qorshaha cusub ee Maraykanka ee diiradda saaraya iskaashi amni, maalgashi iyo yareynta khilaafaadka ka iman kara deriska Soomaaliya.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed