Maraykanka oo socdaallo sahan ku tagay dekedaha Berbera iyo Boosaaso

Maraykanka ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay labo socdaal oo muhiim ah ku tagay dekedaha Berbera iyo Boosaaso, isagoo kulamo kala duwan la yeeshay hoggaanka sare ee Somaliland iyo Puntland. Socdaalladan ayaa daba socda qorshaha Maraykanka ee ku aaddan danaha istiraatijiga ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa Hargeysa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Taliyaha AFRICOM Gen. Dagvin Anderson iyo Safiir-ku-xigeenka Maraykanka Justin Davis.

Wafdiga ayaa kormeer ku tegay Berbera, halkaas oo ay la yeesheen masuuliyiinta dekedda iyo madaarka is arag kooban, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo ilaalinta danaha istiraatijiga ah ee Maraykanka. Socdaalkan ayaa noqonaya kii labaad sanadkan, kaddib booqashadii uu hore u sameeyay Danjire Richard Riley bishii June Somaliland.

Dhanka Puntland, Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyas Cusman Lugatoor ayaa Boosaaso ku qaabilay Gen. Anderson iyo saraakiil kale oo Maraykan ah, waxaana kulan dhexmaray diiradda lagu saaray iskaashiga ka dhanka ah ururrada loogu yeero argagixisada, gaar ahaan hawlgallada ka socda CalMiskaad ee lagaga saarayo kooxda Daacish, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka madaxtooyada Puntland.

Socdaalladan isku xiran waxay muujinayaan xiisaha sii kordhaya ee Maraykanka uu u qabo marinada istiraatijiga ah ee badda, gaar ahaan Badda Cas iyo marinaha ganacsiga.

Washington waxay isku dayaysaa inay xoojiso saameynteeda gobolka, iyadoo kor u qaadaysa iskaashiga militari ee Somaliland iyo Puntland, taas oo u yeelaysa labadan maamul miisaan diblomaasiyadeed oo cusub, isla markaana wax ka beddeli karta hab-maamuuska amni ee gobolka oo dhan.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed