Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in duqeyn cirka ah ka fuliyeen deegaan ka tirsan buuraha gobolka Bari ee Soomaaliya, iyaga oo beegsaday xubno ka mid ah koooxda Daacish ee halkaasi ku dhuumaalaysanaysa.
Duqeynta ayaa ka dhacday meel qiyaastii 66-km dhanka koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso oo ka tirsan Buuraha silsiladaha ah ee Goolis, taasi oo kooxda lala eegtay talaadadii shalay oo ku beegsan 25-kii bishaan November, 2025.
AFRICOM oo sheegtay in howlgalkan ay kala kaashatay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeedka ku carrababtay inay sii wadi doonto howlgalada lagu wiiqayo awoodda Daacishta dalka ee ku wajahan hanjabaadahooda.
Sidoo kale, AFRICOM ma aanay sheegin khasaaraha soo gaaray kooxda Daacish ee la beegsaday iyo in ay wax yello shacab ka dhalatay howlgalkooda duqeyn ee ay ka fuliyeen buuraha gobolka Bari
Hbn Online Tv

