Maraykanka oo sheegay in Ciidamada Xoogga Soomaaliya kaga baxday ku dhawaad 1-Bilyan

Dowladda Mareykanka ayaa maanta shaacisay in ay Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii si toos ah ugu deeqday ku dhawaad 1-Bilyan oo Doollar, si loo taageero Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo muujinaysa taageerada amniga iyo xasilloonida dalka.

War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Mareykanku yahay mid ka mid ah dalalka ugu weyn ee dhaqaale ahaan ka taageera Soomaaliya dhanka militariga, isaga oo ilaa 2007-dii dhanka Ciidamada kaga baxday in ka badan $782 milyan.

“Tan iyo sanadkii 2007, Dowladda Mareykanka waxay si toos ah ugu deeqday in ka badan $782 milyan taageero loogu talagalay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Maraykanka iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka.

Arinta ayaa la shaacieyey xili Ambassador Richard Riley Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya uu maanta Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad lagu wareejinayay qalab tiknoolaji (ICT) ah oo loogu talagalay Ciidanka Danab, kuwaas oo hoostaga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Qalabkan casriga ah ayaa loogu talagalay in uu kor u qaado awoodda Danab ee howlgalka, isla xisaabtanka iyo isku filnaanshaha gudaha, si ay u noqdaan ciidan leh hannaan madax bannaan oo casri ah, kuna shaqeeya hab la jaanqaadaya nidaamka ciidamada qalabka sida ee dunida. Ciidamadan waa kuwa uu tababarkooda iyo maamulkoodu si toos ah ugu lug leeyahay Maraykanku.

Maraykanka ayaa sheegay in arrintani ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah taageerada joogtada ah ee Washington siiso ciidamada ammaanka Soomaaliya, taasi oo xaqiijinaysa nabadgelyada, la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta hay’adaha qaranka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed