Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u magacowday Justin Davis inuu noqdo Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, kaddib markii bishii hore dib loogu yeeray safiirkii hore ee Muqdisho, Richard H. Riley. Tallaabadan ayaa muujinaysa isbeddel ku yimid hoggaanka iyo jihada diblomaasiyadeed ee Washington ee ku aaddan Soomaaliya.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday magacaabistan qoraal lagu daabacay barta X (ex-Twitter), iyadoo sheegtay in Justin Davis uu si ku-meel-gaar ah u hoggaamin doono howlaha safaaradda ilaa laga magacaabayo safiir rasmi ah.
Bayaan kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in magacaabistan looga gol leeyahay sii wadista iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli uu dalka wajahayo caqabado amni iyo isbeddello siyaasadeed oo muhiim ah.
Safaaraddu waxay sidoo kale tilmaantay in Justin Davis uu hirgelin doono siyaasadaha Maamulka Madaxweyne Donald Trump, gaar ahaan istaraatiijiyadda “America First”, taas oo xoogga saaraysa amniga, xasilloonida gobolka, iskaashiga la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta danaha istiraatiijiga ah ee Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

