Maraykanka oo ka qeyb-galay dagaalkii Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in duqaymaha xubnaha Alshabaab lala beegsaday uu ka caawiyay taliska Maraykanka ee magaciisaa loo soo gaabiyo AFRICOM, waxaana lagu beegsaday sida hadalka loo dhigay.

Bayaan ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “maleeshiyaad firxad ahaa oo ku jabay weeraro ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo xoogaga deegaanka ee ka barbar dagaalamaya ciidanka dowlada”.

War-saxafadeed ay soo saartay dowladda soomaliya ayaa lagu sheegay in la dilay xubnahaan, ka dib weeraro ka kala dhacay deeganka Cadow-guray oo hoosta degmada Buula-burde ee gobolka Hiraan, Ceel Cali Axmad iyo Alkowsar oo Shabeelaha Dhexe ah.

Dagaallada ka socda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo saf ballaaran ah ayaa sababay in Ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka oo hab ciidan u abaabulan ay la wareegaan goobo badan oo Kooxda muddo ka talinaysay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed