Maraykanka oo baaritaan ku sameynaya faylasha socdaalka ee muwaadiniinta Maraykanka ee asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya

Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu baaritaan ku sameynayo kiisaska socdaalka ee la xiriira muwaadiniin Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, si loo ogaado wax isdaba marin keeni kara in lagala laabto dhalashada Mareykanka.

War-saxaafadeed ay baahiyeen Fox News, isla markaana dib u daabacay Aqalka Cad, ayaa Kaaliyaha Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka, Trisha McLoughlin, ku sheegtay in sharciga Mareykanka uu oggolaanayo in dhalashada lagala noqdo haddii qof lagu helo inuu ku helay si khiyaano ama isdaba marin ah.

“Sharciga Mareykanka wuxuu dhigayaa in haddii qof ku helo dhalashada khiyaano, ay taasi saldhig u tahay in dhalashadiisa lagala noqdo,” ayay tiri McLoughlin. La-noqoshada dhalashada Mareykanka waa arrin dhif ah, isla markaana qaadan karta sanado badan. Sida ay sheegtay Hay’adda Immigration Legal Resources Center, inta u dhexeysay sanadihii 1990 ilaa 2017, celcelis ahaan ku dhowaad 11 kiis oo kaliya ayaa sannad walba la horgeyn jiray maxkamadaha.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo, Madaxweyne Trump wuxuu hirgeliyay siyaasad adag oo dhinaca socdaalka ah, taasoo ay ka mid yihiin olole ballaaran oo masaafurin ah, baabi’inta fiisooyinka iyo kaararka deggenaanshaha joogtada ah, iyo kormeer lagu sameynayo baraha bulshada ee muhaajiriinta. Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si adag u cambaareeyay siyaasadaha Trump, iyagoo sheegay in ay xaddidayaan xuquuqaha aasaasiga ah sida xaqa maxkamad caddaalad ah iyo xorriyadda hadalka.

Dhanka kale, Trump iyo xulafadiisa ayaa ku doodaya in tallaabooyinkan looga golleeyahay xoojinta amniga gudaha ee Mareykanka. Toddobaadyadii u dambeeyay, saraakiil federaal ah ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ku tilmaamay xuddunta musuq-maasuq malaayiin doollar gaaraya oo la xiriira adeegyada bulshada ee heer federaal ah.

Si kastaba ha ahaatee, u-doodayaasha xuquuqda muhaajiriinta ayaa sheegay in maamulka Trump uu baaritaannada khiyaanada u adeegsanayo marmarsiiyo si guud ahaan loo bartilmaameedsado muhaajiriinta Soomaaliyeed.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed