Maraykanka oo baahiyey muuqaalkii ugu horeeyey oo uu ku sheegay in lagu dilay xubno sare oo daacish ah

Maraykanka ayaa baahiyey muuqaalkii ugu horeeyey ee duqeyntii 1-dii bishaan ka dhacday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, taasi oo ay fuliyeen diyaaradda dagaalka ee Maraykanka.

Madaxweyne Donal Trump oo soo dhigay boggiisa X Muuqaal ku bilowday “bartilmaaameedka Duqeynta Maraykanka ee Daacish ee Soomaaliya” ayaa waxaa uu soconaya 40 Ilbiriqsi, waxaana la arkayaa 3 bartilmaameed.

Duqeynta waxaa uu sheegay in lagu bartilmaameedsaday xubno sare oo ahaa qeybta qorsheynta iyo dagaalamayaal kale oo ka mid ahaa Daacish.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday Buuraha Calmiskaad in lagu 48 xubnood oo 12 ka mid ah ay ahaayeen dad ajaaniib ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed