Maraykanka iyo Soomaaliya ka wadahadlay dagaalada ka dhanka kooxaha Argagixisada ah

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Steven Riley,ayaa kulan dhinac badan looga hadlay la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka difaaca ee u dhexeeya labada dowladood iyo iskaashiga ku aadan sida la iskaga kaashan karo dagaallada ka dhanka ah kooxaha loogu yeero Argagixisada ee gobolka geeska Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga tababarka iyo qalabka milateri, wadaagista xogaha sirdoon iyo qorsheyaal lagu adkaynayo awoodda ciidanka Soomaaliyeed ee la dagaallanka argagixisada.

Safiirka Riley ayaa bogaadiyey horumarka laga gaaray dhismaha iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga, isagoo xusay in Maraykanku uu sii wadi doono taageerada dhinacyada tababarka iyo sahayda milateri.

Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi, ayaa safiirka u mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Maraykanku siiyo Soomaaliya, wuxuuna carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga, si loo gaaro hadafyada difaac iyo nabad-sugid ee gobolka.

Safiirka Riley iyo Wasiir Fiqi ayaa heshiis ku gaadhay in la sii ballaariyo wadahadalka heer farsamo ee labada dhinac, isla markaana la qorsheeyo booqashooyin tababar iyo is-dhaafsiga khubaro milateri ah oo dhanka mustaqbalka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed