Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa kulan gaar ah la yeeshay mas’uul ka socday dowladda Maraykanka, kaas oo lagu xoojiyay xiriirka istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal. Kulankan ayaa dhacay xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo caqabado dhinaca amniga, siyaasadda, iyo horumarka.
Kulanka dhexmaray madaxweyne Geelle iyo La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne Donald Trump Massad Boulos ayaa xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan la-dagaallanka kooxaha loogu yeero argagixisada ee ka howlgala gobolka, sida Alshabaab. Waxaa la isla gartay in Maraykanka iyo Jabuuti ay ka wada shaqeeyaan tababarka ciidamada, xog-wadaagga iyo qorshayaasha istiraatiijiga ah ee kor u qaadaya nabadgelyada gobolka.
Mas’uulka Maraykanka ayaa tilmaamay in kulanka uu ahaa mid ahmiyad gaar ah leh, isla markaana lagu xaqiijiyay aasaaska xooggan ee iskaashiga iyo saaxiibtinimada labada waddan. Waxaa la adkeeyay in xiriirka Jabuuti iyo Mareykanka uu yahay mid muhiim u ah dejinta istiraatiijiyadda gobolka, gaar ahaan ilaalinta marinada muhiimka ah iyo dekedaha istiraatiijiga ah.
Waxaa la isla qaatay in labada dal ay wadaagaan aragti mideysan oo ku saabsan Geeska Afrika, taas oo ah in gobolka uu yeesho xasillooni, barwaaqo iyo nabad waarta. Kulanka ayaa sidoo kale ku saabsanaa sidii loo dhiirrigelin lahaa wada-shaqeynta dalalka deriska ah, horumarinta ganacsiga, iyo taageerada mashaariicda bulshada ee gobolka.
Maraykanka ayaa ballan qaaday in uu sii wadi doono taageerada dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowliga ah, iyo tababarka ciidamada Jabuuti, si loo xaqiijiyo in gobolka uu noqdo mid deggan oo ka hortagaya khataraha argagixisada iyo burcad-badeednimada.
Kulankan ayaa loo arkaa mid sare u qaadaya xiriirka istiraatiijiyadeed ee Jabuuti iyo Mareykanka, isla markaana kaalin ka qaadan kara xasilinta gobolka Geeska Afrika iyo dhisidda iskaashi waara oo dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo horumarka ah.
HBN ONLINE TV