Marayakanka oo xog ka bixiyey howlgal lagu beegsaday Daacish oo ka dhacday Puntland

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in ay fuliyeen howlgal milatari oo ka dhan ah kooxda Daacish ee gudaha Soomaaliya, waxaana howlgalkaasi duqeynta ah ay dhacday maalinta shalay aheyd, iyada oo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inkasta oo AFRICOM aanay shaacin bartilmaameedka howlgalka si loo ilaaliyo amniga hawlgalka 25-kii bishaan dhacay, hadane waxaa la tilmaamay in lagu beegsaday mi ka mid ah xubnaha dhuumadka ah kooxda ee gobolka ku sugan.

AFRICOM ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan iskaashiga ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka, si loo wiiqo awoodda kooxda ISIS-Soomaaliya ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarro halis gelinaya danaha Mareykanka, muwaadiniintiisa, iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in howlgalkaasi lagu qabtay Cabdiweli Mohamed Aw Yusuf (Cabdiweli Walalac) oo la rumeysan yahay inuu ahaa madaxa maaliyadda kooxda Daacish, inkasta oo aan si madaxbanaan loo xaqiiji karin.

Dhanka kale, Puntland ayaa sheegtay in la qabtay Cabdiweli Walalac Madaxii maaliyadda ahaana wakiilka Ajaanibta kooxda Daacish iyo labo xubnood oo kale, hawlgalka oo ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Xumbeys, kaasi oo ay fulisay Maraykanka.

Howlgalka ka dhan ah Daacish ee ka socda gobolka Bari Soomaaliya, gaar ahaan Buuraha Calmiskaad ayaa socda tan iyo bishii December ee sanadkii hore. Puntland waxay sheegtay in 98% ay kala wareegtay kooxda Calmiskaad, ka dib dagaallo qaraar oo si adag Daacish loogu wajahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed