Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xeerar adag ku soo rogtay Maraakiibta adeegsada Biyaha dalka, iyada oo ku wargelisay in marka hore ay qaataan Calanka Soomaaliya isla markaana ku soo wargeliyaan Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Soomaaliya.
Bayaanka oo lagu daabacay barta X (Twitter) ee Wakaaladda SONNA ayaa lagu sheegay in maraakiibta laga doonayo in ay u hoggaansamaan Shuruucda Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka, si wada shaqeynta caalamiga ah u noqoto mid la isku haleyn karo.
“Maraakiibta adeegsanaysa Badda Soomaaliya waa in ay dhaqangeliyaan xeerarka ah in uu ka dul babado Calanka Soomaaliya, in ay wargeliyaan maamulka arrintaan shaqada ku leh iyo in ay u hoggaansamaan shuruucda Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda XFS” ayaa lagu yiri qoraalka.
Amarkan la mid ah ayey dhowaan DFS dul dhigtay Shirkadaha Diyaaradaha ee Hawada dalka isticmaalla in ay dhaqangeliyaan amar ka soo baxay oo ugu dambayn dhaqangalay.
Amarkan waxa uu ahaa in Magaalooyin ka mid ah Gobollada Waqooyi ee JFS oo horay ugu adeegsan jireen ‘Somaliland’ ku baddelaan ‘Soomaaliya’ taasina ay tahay mid lagu ilaalinayo madaxbanaanida, wadajirka & midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxda Somaliland oo ka hadlay ayaa sheegay in DFS ku xad gudubtay sida hadalka u dhigeen madaxbanaanidooda, inkasta oo wax jawaab ah dowladdu ka bixin.
HBN ONLINE TV

