Manchester City oo kalsooni ku qabta inay 10 milyan ginni kula soo wareegto Savio xagaaga waana seddex meelood lacaga uu suuqa ka joogo

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay tahay kooxda ugu cadcad saxiixa weeraryahan Troyes Savio inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo heshiiska lagu dhameyn karo 10 milyan ginni.

19-sano jirkaan ayaa Girona amaah kaga soo biiray Troyes bishii July ee lasoo dhaafay, waxaana uu wacdaro ka dhigay hogaamiyayaasha La Liga xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay lix gool, waxaana loo diiwaan geliyay 5 caawin 23 kulan oo uu saftay.

Kooxo dhowr ah ayaa loo aqoonsaday inay xiiseynayaan wiilkaan, laakiin sida laga soo xigtay Daily Star, Man City ayaa ah kuwa ugu badan ee ku heli kara heshiis jaban.
Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda heysata horyaalka Premier League ay Savio kula soo saxiixan karto wax ka yar 10 milyan ginni, maadaama labada Girona iyo Troyes ay leeyihiin kooxda City Football Group.

Troyes ayaa la rumeysan yahay inuu ugu yaraan 30 milyan oo ginni weydiisan karo xagaagan kooxaha kale, laakiin Man City ayaa laga yaabaa inay bixiso seddex meelood meel qiimahaas.
Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay ka mid tahay kooxaha xiiseynaya weeraryahanka, iyagoo si dhow u daawaday kooxda ka ciyaarta horyaalka Spain xilli ciyaareedka 2023-24.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed