Maleeshiyada RSF oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Khartuum oo maanta la furay 2 sano ka dib

Weerarkan oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone ayaa Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee magacooda loo soo gaabiyo RSF ay ku qaadeen Garoonka Caalamiga ah ee Khartuum, iyaga oo isticmaalaya ilaa lix diyaaradood maalintii labaad oo xiriir ah.

Ilo wareed ciidan ayaa intaa ku daray in gantaallada lidka diyaaradaha ee ciidanka cirka Suudaan ay si guul leh uga hortageen weerarkaasi.

Khudbad uu shalay jeediyay, taliyaha Ciidanka Gurmadka Degdegga ah, Maxamed Xamdaan Dagaalo (Hemedti), ayaa ku hanjabay in uu beegsan doono garoon kasta oo ay ka kacaan diyaaradaha dagaalka iyo kuwa drones-ka, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin “bartilmaameed qaanuuni ahh”, sida hadalka uu u dhigay.

Weerarka lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Khartuum ayaa noqday kii labaad oo xiriir ah, ka dib markii Shirkadda Garoomada Diyaaradaha ee Suudaan ay ku dhawaaqday in garoonku dib loo furay, kaddib xiritaankiisii ay sababtay dagaalka Suudaan ka qarxay bishii Abriil 2023.

Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in RSF ay Talaadadii bartilmaameedsatay Garoonka Caalamiga ah ee Khartuum, iyaga oo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn.
Ilo wareed amni ayaa sheegay in saddex diyaaradood oo noocaas ah ay weerarreen duleedka garoonka, waxayna sababeen dhaawacyo iyo khasaare kooban, iyadoo uu intaas ku daray in difaacyada dhulka ay iska caabiyeen weerarkaasi, taasoo yaraysay waxyeellada.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Sare ee KMG ah ee hoggaamiya Suudaan, Jeneraal Cabdel Fataax Al-Burhaan, ayaa shalay gelinkii dambe booqday garoonka Khartuum, halkaas oo uu ka sheegay in ciidamadu ay ka go’an tahay inay meesha ka saaraan fallaagada dalka.

Al-Burhaan wuxuu intaas ku daray in aysan jiri doonin meel ama door ay mustaqbalka Suudaan ku yeelan doonaan “malleeshiyaadka iyo kuwa taageeraya”, balse uu xusay in ay soo dhoweynayaan dadaal kasta oo nabadeed oo ku dhisan mabda’a qaran oo adag.
Isla wararkan, warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in diyaaradaha RSF ay weeraro ku qaadeen magaalada Sennar — oo ah tan ugu weyn gobolka Sennar — iyagoo bartilmaameedsaday xarumo rayid iyo ciidan, balse diyaaradaha dagaalka ee ciidanka cirka Suudaan ay weerarradaasi fashiliyeen.

Masiibada Al Faashir

Dhanka kale, xaaladda bini’aadantinimo ee magaalada Al Faashir — oo ay go’doomiyeen Ciidanka Gurmadka Degdegga ah — ayaa sii xumaanaysa. Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa shalay ku dhawaaqday in in ka badan 1,000 qof laga barakiciyay magaalada ku taal galbeedka Suudaan labadii maalmood ee la soo dhaafay oo keliya, sababo la xiriira amni darro sii kordhaysa.

Hay’addu horey waxay u sheegtay in in ka badan 1,500 qof laga barakiciyay magaalada intii u dhaxaysay 15 ilaa 19 Oktoobar, iyadoo xustay in xaaladda amniga ee deegaanka ay weli tahay mid kacsan oo aan degganayn.

Kooxda RSF ayaa magaalada Al Faashir ku haysay go’doon tan iyo 10-kii May 2024, halka ciidanka Suudaan ay isku dayayaan in ay jebiyaan go’doominta magaalada oo ah xarunta hawlgallada bini’aadantinimo ee shanta gobol ee Darfur.
Talaadadii, taliyaha RSF, Hemedti wuxuu ku eedeeyay ciidanka in ay ka horjoogsanayaan rayidka in ay ka baxaan magaalada Al Faashir, isaga oo ku tilmaamay in ay u adeegsanayaan “gaashaan bani’aadantinimo”.

Tan iyo 15-kii Abriil 2023, ciidanka iyo RSF waxay ku jireen dagaal aan lahayn xal, inkasta oo ay jireen dhexdhexaadinno goboleed iyo caalami ah oo badan oo fashilmay, halka dadka rayidka ahi ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatadu saameysey.

Warbixinno Qaramada Midoobay iyo kuwo maxalli ah ayaa sheegaya in ku dhawaad kumanyaal qof lagu dilay dagaalka, halka in ka badan 15 milyan qof ay noqdeen barakacayaal iyo qaxooti.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed