Wararka ka imaanaya gobolka Galgaguud ayaa sheegay in galinkii dambe ee maanta ay maleeshiyaad hubeysan dad rayid ah ku dileen deegaan hoos taga Xiindheere, ka dib markii ay weerar gaadma ah ku soo qaadeen deegaanka.
Inta la xaqiijiyey laba ruux lagu dilay weerarka gaadmada ahaa ee ay soo qaadeen Maleeshiyaad hubeysannaa, halkaasi, ka dibna waxaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen.
Dilkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo anooyin qabiil, waxaana kooxda maleeshiyaadka ee dilka geystay u baxsadeen dhanka degaanka Qaayibka oo isla gobolka Galmuduud ah.
Horaantii bishii hore Luulyo, maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa Ciidamo geeyey deegaannada u dhaxeeya Goldogob iyo Bandiiradley oo si goosgoos ah u socotay bilihii la soo dhaafay dagaal galaafatay nolosha dad ka badan 50 qof, sida laga soo xigtay illo wareedyo deegaanka ah.
HBN ONLINE TV

