Malaashiyaad gaaray ilaa 10 xubnood oo ka tirsan Al shabaab oo isku soo dhiibay maamulka Koofur Galbeed isla markaana la soo bandhigay

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al shabaab isla markaana ka soo goostay ayaa isku soo dhiibay maamulka Koofur Galbeed kuwaas oo la soo bandhigay, siina daayay macluumaad iyo xogo xasaas ah.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda dowladda Soomaaliya ee ka howlgala deegaannada maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay maleeshiyaad ka soo goostay kooxda Al shabaab,kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda iyo KGS.

Kooxda isa soo dhiibtay oo ka kooban 10 Xubnood ayaa lagu soo bandhigay Taliska Hey’adda Nabaddugidda magaalada Baydhabo,waxaana raggan isasoo dhiibay ay sheegeen in ay qaabilsanaayeen wax ay ugu yeeraa Jabhadaha oo ah unugyo ka tirsan kooxda.

Taniyo markii uu bilaawday dagalka ka dhanka ah Al shabaab bilaawgii sanadkii hore xubno iyo hoggaamiyaal sar sare ayaa siyaabo kala duwan isku soo dhiibayay dowladda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed