Magaalada Khartuum oo xalay oo dhan laga maqlayay duqeymo culus.

Wararka ka imaanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in habeenimadii xalay ciidamada Sudan duqeymo culus oo xagga cirka ah ku garaaceen fariisimaha iyo goobaha ay kaga sugan yihiin ciidamada gurmadka degdega magaalada caasimada ah ee Khartoum, iyadoo daruur qiiq ah ay hareeysay qeybo badan oo ka mid ah magaalada muddo saacado ah.

Wariyayaasha ka soo waramaya aagaasi ayaa soo sheegaya in ciidamada Suudaan ay madaafiic culus ku garaaceen goobaha ciidamada gurmadka degdega ah, iyagoo ka soo qaaday fariisimaha badan ee ay ku leeyihiin magaalada Omdurman.

Dayaanka madaafiicda iyo qaraxyo ayaa laga maqlay magaalada, waxaana la arkayay gawaarida gaashaamaan oo ka qayb qaadanaya duqeynta iyo dagaalka.

Warka ayaa intaasi ku daraya in goobaha la weeraray ay ka mid yihiin xaafadaha Jabra, Al-Sahafa, Al-Etmadhar, Taif, Al-Riyadia oo dhamaantood ku yaal koonfurta Khartoum.
Madaafiicda ayaa sidoo kale lala beegsaday goobaha ciidamada degdega ah ee xaafadaha Manshiya iyo Al-Juraif, iyo deegaanka Laxaj Yuusuf ee bariga Khartoum, iyo waliba dhanka bartamaha Khartuum sida aagga Muqriin iyo Suq Al-Carabi.

Baaqyada Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ayaa isa soo taraya si loo soo afjaro dagaalkan, iyadoo laga fogaanayo masiibo bini’aadantinimo, waxaana dagaalkan socda uu sababay in, in ka badan kumanaan qof u dhintaan macaluul iyo cunto yari ka dhalatay colaadaha.

HBN ONLINNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed