Madaxweynihii Koonfur Galbeed oo ku dhawaqay iscasilaad 

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ahaa madaxweyne ayaa caawa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha, kaddib xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalatay isbedelka ka socda magaalada Baydhabo.

War kooban oo lagu daabacay boggiisa gaarka ah ayaa lagu yiri: “Ujeedo: Is Casilaad. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka Maarso 2026 waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed (DGKS) anigoo ah Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.”

Ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Lafta-gareen uu aqbalay in uu baneeyo xilka, kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay la wareegeen magaalada Baydhabo, oo ah xarunta KMG ah ee maamulka.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku adkeysaneyso in Lafta-gareen loo wareejiyo magaalada Muqdisho si halkaas loogu sii ambaqaado arrintiisa, taas oo wararku sheegayaan in uu ka muujiyay walaac.

Isbedelkan ayaa imaanaya iyadoo Lafta-gareen uu waayay gacan ku haynta maamulka, isla markaana ciidamada xoogga dalka iyo kuwa la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ay si buuxda ula wareegeen Baydhabo. Sidoo kale, qaar ka mid ah wasiirrada maamulka iyo mas’uuliyiin kale ayaa isu soo dhiibay dowladda federaalka.

Dowladda federaalka ayaa hore u sheegtay in aan la sameyn doonin wax aargoosi ah, isla markaana ay jirto dadaal lagu xasilinayo xaaladda iyo dib-u-habeynta maamulka.
Dhanka kalane, war lagu daabacay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ku simaha Madaxweynaha maamulka loo magcaabay Wasiirkii Maaliyadda Koonfur Galbeed, Ahmed Mohamed Hussein, ayaa laga dhigay.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay, 30 March, 2026, waxaa uu Madaxweynaha DKGS u magacaabay Axmed Maxamed Xuseen ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda in uu noqdo Ku-sima Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, ilaa iyo xal kama danbees ah laga helaayo” ayaa lagu yiri warka madaxtooyada maamulka.

Magaalada Baydhabo ayaa haatan la sheegaya inay tahay mid deggen, iyadoo ay socdaan wada-hadallo iyo qorshayaal siyaasadeed oo la xiriira mustaqbalka maamulka Koonfur Galbeed iyo cidda si ku-meel-gaar ah u maamuli doonta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed