Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed oo xabsiga loo taxaaabay

Mas’uuliyiinta Koonfurta Kuuriya ayaa maanta xabsiga dhigay madaxweynihii xilka laga qaaday Yoon Suk Yul, kadib markii ciidamada ammaanka ay weerareen gurigiisa ku yaalla magaalada Seoul, taasoo la xiriirta isku daygiisii uu doonayay inuu ku soo rogo dalka xukun deg deg bishii la soo dhaafay, sida ay tebisay wakaalada wararka Yonhap.

Muuqaal uu soo saaray kadib xarigiisa, Yoon wuxuu sheegay inuu isu dhiibay ciidamada ammaanka si looga fogaado daadinta dhiig, inkastoo uu baaritaanka lagu sameynayo uu ku tilmaamay mid sharci-darro ah.

Saacadihii hore ee maanta, boqolaal baarayaal ah iyo boolis ayaa la dagaallamay ilaaladii Yoon, xilli ay mar labaad isku dayayeen inay xiraan. Ugu dambeyn, ciidamada ammaanka ayaa ka gudbay caqabadaha ilaaladii guriga, iyagoo isticmaalay jaranjaro si ay gudaha ugu galaan.

Xisbiga Dimuqraadiga ah ee mucaaradka ah ayaa soo dhaweeyay xarigga Yoon, iyagoo ku tilmaamay tallaabo lagu soo celinayo dimuqraadiyadda.

Magaalada Seoul ayaa wajahday dibadbaxyo taageeraya iyo kuwo diidan xarigga Yoon.
Baarlamaanka Koonfurta Kuuriya ayaa xilka ka qaaday Yoon kadib isku daygiisii uu ku doonayay inuu ku rogo xukun deg deg ah, taasoo mucaaradku ku tilmaameen afgambi fashilmay.

Ra’iisul Wasaare Han Dak-so, oo ahaa ku-simaha madaxweynaha, ayaa isna xilka laga qaaday kadib markii uu diiday inuu magacaabo garsooreyaal muhiim ah.
Yoon wali waa madaxweyne magac ahaan, balse ma fulin karo waajibaadkiisa ilaa Maxkamadda Dastuuriga ah ay go’aan ka gaarto kiiskiisa bartamaha bisha Juun.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed