Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo ka hadlay eedeynta ah in ciidamadiisa iyo Alshabaab ay isku milmeen

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen balse sheegta inuu weli yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi, ayaa beeniyay in xiriir uu kala dhaxeeyo Alshabaab, kadib markii Dowadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka cusub ee Koonfur galbeed ay ku eedeeyeen wada shaqeyn in ay kala dhaxeyso kooxda iyo ciidamo isaga taabacsan oo ku sugun duuleedka Baydhabo.

Laftagareen oo waraysi siiyay BBC Soomaali ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u adkeysan la’yihin sida uu yiri dhibaatada lagu hayo shacabka deegaannadaasi, isla markaana ay doonayaan in ay ka dulqaadaan wax uu ku tilmaamay ciidamo ku soo duulay oo deegaanno kale laga keenay.

“Maya, waa been iyo Borobogaando iyo hadal aan sal iyo raad lahayn iyo dagaalka oo si xun loo isticmaalaayo dadka Shacabka ah Soomaaliyeed dhibaatadey horay ugu haayeen” ayuu yiri Laftagareen.

Wuxuu sheegay in weerarkii dhacay 17-kii bishaan Agoosto inay ahayaeen ciidamadii hore maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo yiri markale, “Waxa maagaalada Baydhabo soo weeraray waa cadahay Dukuumiintiyo ayaa loo haayaa, ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed bay ahaayeen oo la yaqaanay”

Maalintii uu dagaalkasi dhacay, waxaa Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo tan Amniga maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen  in ciidamadu soo afjareen waxay ku tilmaameen weerar isku dhafan oo ay Baydhabo ku soo qaadeen Alshabaab iyo ciidamado daacad u ah maamulka madaxweyne hore Cabdicasiis Laftagareen. Ciidamada waxay sheegeen in dagaalkaasi oo laba waji ahaa ay ku dileen tiro ka badan 30 xubnood, halka ay soo bandhigeen maleeshiyaad la qabtay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed