Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay warar sheegaya in Israa’iil heshiis la gashay Somaliland, kaas oo soo bandhigay inuu ku dhisan yahay saddex qodob oo halis ku ah Falastiiniyiinta, aag militari oo halis ku ah amniga Geeska Afrika iyo Soomaaliya qudheeda.
Arimaha sida weyn uu u bidhaamiyey Madaxweyne Xasan ayuu ku sheegay in xogta ay hayaan ay muujinayso in Israa’iil iyo Somaliland ay ku heshiiyeen in Falastiiniyiin loo raro Soomaaliya, in saldhig militari laga sameeyo Somaliland oo halis ah ku amniga Soomaaliya, iyo in Somaliland ay saxiixdo Heshiiska Abraham, kaasi oo aan sinaba kaga hor imaan karin dalabaadka Israa’iil ee howlaheeda Badda Cad iyo guud ahaan gobolka.
Xasan Sheekh wuxuu si xooggan walaaca kaga muujiyay saldhigga militari isagoo su’aal geliyay ujeeddada ka dambeysa. Wuxuu sheegay in saldhig militari uusan ahayn meel dalxiis, balse uu yahay xarun ciidan oo micnaheedu yahay weerar ama difaac.
“Saldhig militari ma aha xarun dalxiis ama meel loo dalxiis tago. Saldhig waa ciidan, ciidanina micnihiisu waa weerar ama difaac,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shekeh, isaga oo ku adkeystay inay u muuqato in saldhiggaasi loo adeegsanayo isu-diyaarin ama weerar ka dhan ah cid kale.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan jirin wax ciidamo amni oo Israa’iil ah oo ku sugan dalka, isla markaana aan la filayn inay yimaadaan mustaqbalka dhow.
“Haddii ay taasi dhacdo, waa maalin kale iyo dood kale. Dowladda Soomaaliya waxay awooddeeda u adeegsan doontaa difaaca dalka, annaga arrintaas waan ka soo horjeednaa mana ogolaan doonno marna,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan doodaha iyo walaaca ku saabsan saameynta arrimo dibadeed ay ku yeelan karaan amniga, midnimada, iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

