Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa jeediyey khudbad uu kaga hadlayay doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, taas oo lagu wado in subaxnimada berri ah looga dareero magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in doorashadan ka dhigan mid taariikhi ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in la gaaray xilligii shacabka Muqdisho ay si toos ah u muujin lahaayeen rabitaankooda siyaasadeed, isla markaana ay ka miro-dhalin lahaayeen halgankii iyo adkaysigii ay soo muujiyeen muddooyinkii la soo dhaafay.
“Waxaa la soo gaaray wakhtigii shacabka Muqdisho caribi lahaayeen rabitaankooda, loogana dhabeyn lahaa halgankii ay soo galeen, si ay u dareemaan in ay wax dooran karaan, waxna diidi karaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Xasan.
Wuxuu muwaadiniinta ugu baaqay in ay si xor ah u gutaan xaqooda dastuuriga ah ee codeynta, isaga oo yiri “Fadlan muwaadin, xaqaaga ah inaad cod wax ku doorato adigoon cabsi qabin waa mid muhiim u ah mustaqbalkaaga iyo kan carruurtaada,”.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashada berri ay tahay mid ay si dhow ula socdaan indhaha caalamka, isla markaana hab-dhaqanka shacabka Muqdisho uu noqon doono mid lagu qiimeeyo dalka.
“Maalinta berri ah, 25-ka December 2025, indhaha dunida oo dhan waxay ku soo jeedaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida aan u dhaqanno ayaana nalagu qiimeyn doonaa,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in ay jiraan dhinacyo diiddan in shacabka Gobolka Banaadir ay si xor ah isu doortaan, balse uu sheegay in rabitaanka dadka Muqdisho uu ka adkaan doono dhammaan caqabadahaas.
“Waxaa jira dhinacyo badan oo ay dhibayso in shacabka gobolka Banaadir ay is doortaan — waxaa kale oo jira kuwo u kaalmaynaya oo jecel in la fashilmo, laakiin dhamaantood waxaa ka adag rabitaankaaga & guud ahaan rabitaanka shacabka Caasimadda” ayuu sii raaciyey, isaga oo hadalkan markuu sheegayay ay indhihiisa shacuur adkayn hadalka ah ka muuqatay.
Waxaa la filayaa in kumannaan qof oo reer Muqdisho ah ay subaxnimada berri u dareeraan goobaha codbixinta, si ay uga qayb qaataan doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.
HBN ONLINE TV

