Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.
Madaxweyne Xasan ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka in ay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo laga soo doorto degaannada Koonfur Galbeed ayaa kamid ahaa Xildhibaannadii shalay ka hadlay Golaha Shacabka, isla markaana sheegay in Ciidanka Itoobiya uu ku taageeysan yahay in ay joogaan degaannada Koonfur Galbeed.
Tani ayaa noqoneysa jawaab cad uu qaatay madaxweyne Xasan, ka dib markii uu shalay xildhibaan Jileey war murtiyeed lagu sheegay in uu yahay mid lagu taageersanaa shacabka gobolka Bakool qaybo ka mid ah oo taageeray Ciidamadad Itoobiya ee deegaanadaasi jooga.
HBN ONLINE TV

