Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir, isagoo isla markaana ugu magacaabay Xasan Maxamed Xuseen Muungaab inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ka dib soo-jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Muungaab, oo horey u soo qabtay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir intii u dhaxeysay 2014 illaa 2015, ayaa mar kale lagu loo magacaabay hoggaanka gobolka, iyadoo lagu saleynayo sida hadalka loo dhigay waayo-aragnimadiisa maamulka, xoojinta amniga, iyo dadaalladii uu horey u muujiyay mudadii uu xilkaas hayay.
Wareegto kasoo baxday Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegtay in Guddoomiyaha cusub laga sugayo inuu mudnaan siiyo Horumarinta bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda, Dib u heshiisiinta iyo isku-xirka bulshada gobolka, Xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo shacabka, Dardargelinta adeegyada aas-aasiga ah ee degmooyinka iyo xaafadaha Muqdisho.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyay dhammaan hay’adaha dowladda ee la shaqeeya Maamulka Gobolka Banaadir inay si dhow ula shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub si loo xaqiijiyo xasilooni, horumar iyo isbeddel muuqda oo ka dhaca Caasimadda.
Magacaabistan ayaa ku soo aaday iyadoo la filayo in la dardargeliyo qorshayaal dib-u-habeyn iyo amni oo la xiriira doorashooyinka soo socda, dhanka kale, Magacaabista ayaa imaneysa xilli ay Muqdisho wajahayso caqabado la xiriira ammaanka, dib u dhiska adeegyada dadweynaha iyo dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan caasimadda.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Maxamed Amiir ayaa xilka hayey muddo lix bilood ah, ka dib markii horaantii bishii December ee sanadkii hore 2024 xilka loo dhiibay.
HBN ONLINE TV