Madaxweyne Xasan Sheekh oo u gaaray Jabuuti wada-hadallo amni iyo iskaashi looga arinsanayo geeska Afrika

Dowladaha Soomaaliya iyo Djibouti ayaa bilaabay wadahadallo iyo qorsheyaal si gaar ah diiradda loogu saarayo arrimaha xasaasiga ah ee gobolka iyo xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe, iyada oo maanta Madaxweye, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga billowday booqasho looga golleeyahay xoojinta amniga gobolka iyo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay Jabuuti, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulan laba-geesood ah iyo wada-hadallo la yeesho dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo diiradda lagu saari doono xaaladda guud ee Geeska Afrika.

War saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ajendaha kulanka uu yahay xasilloonida siyaasadeed, amniga gobolka iyo adkaynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya laba dal.

“Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Jabuuti waxay salka ku haysaa aragti wadaag ku saabsan xaaladda gobolka, iskaashiga, wadajirka iyo dan-wadaagga ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti,” ayaa lagu yiri warka Madaxtooyada.

Kulanka labada madaxweyne ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan dagaalka u dhexeeya Mareykanka oo ay garab taagan tahay Israa’iil iyo Iiraan. Khubarada amniga ayaa ka digaya in haddii xiisaddan ay sii fido ay saameyn ku yeelan karto gobolka Geeska Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed