Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar ugu soo xiray Saraakiil cusub Xero ku taalla Garoonka Diyaaradaha Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Ballidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Madaxweyne Xasan Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qayb galay xerada ciidamada Cirka Soomaaliya ee Ballidoogle xafladan sida kooban u dhacday ayaa waxaa intii ay socotay lagu abaalmariyey Saraakiisha cusub ee tababarka dhammeysatay.
Saraakiishaan cusub ayaa waxaa tababarka siiyay Macallimiin isugu jirta Soomaali iyo kuwo Maraykan ah oo gacan ku haya taakulada ay u baahan yihiin ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB iyo saraakiisha hoggaamineysa.
Soomaaliya ayaa xoogga saartay kordhinta Ciidamada Qalabka sida, maadaama ay isku diyaarineyso in mustaqbalka dhow ay la wareegto mas’uuliyadda Amniga dalka, iyada oo si tartiib-tartiib ah loo dhimay Ciidanka ATMIS, halka 27 fadhiisin ay ciidamada dowladda kala wareegeen siduu sheegay Wasiirka difaaca Soomaaliya Jaamac.
HBN ONLINE TV

