Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray Amarro ku aadan goobaha waxbarashada ee dadku daganyihiin iyo Jaamacado

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad lagu falanqeynayey arrimaha waxbarashada, halkaas oo uu si adag uga hadlay xaaladda dugsiyada iyo jaamacadaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan goobo waxbarasho oo aan tayo lahayn iyo guryo lagu beddelay xarumo waxbarasho oo jaamacado degeen si sida uu hadalka u dhigay ardada lacago kaga qaateen, kuwaas oo aan ka tarjumin heerka tacliinta dalka ama aan soo saarin arday suuqa wax ku soo kordhin.

Xasan Sheekh ayaa faray Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Guddiga Tacliinta Sare in ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah, isla markaana la xiro jaamacadaha iyo in la baneeyo xarumaha aan waxbarasho ee dadka shacabka ah deganyihiin, taasi oo uu ku sababeeyey in loogu adeegi doono danta guud ee dalka.

“Jaamacaddo badan oo aan u weynay sabab aan u xirno ayaan rajaynayaa in Guddiga Tacliinta Sare naga xirto. Waxaan rabnaa in albaabada loo laabo guryaha dadka lacagta looga gurto. Taliska Ciidanka Booliska waxaan faraayaa dugsiyada magaalada Muqdisho dadka inay ka baxaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya qorshaha lagu doonayo in lagu hagaajiyo tayada waxbarashada dalka, lagana hortago xarumaha sharci aan sharciga iyo tayeynta waxbarashada dalka u hoggaansamin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed