Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay socdaal muddo toddobaad ku dhow uu ku joogay xarunta kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed ee Baydhabo, isaga oo wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed la yeeshay mas’uuliyiinta, hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya, kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada, nabadeynta, dardargelinta dowlad-dhiska iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta dalka.
Madaxweynaha ayaa bulshada iyo hoggaanka Koonfur Galbeed ku dhiirigaliye in la xoojiyo wadajirka, iskaashiga iyo isu tanaasulka siyaasadeed, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qaybsanaan.
Xasan Sheekh ayaa Baydhabo socdaal ku tagay Jicmihii todobaadkii hore, isaga oo muddo lix maalmood ah Baydhabo ka waday qorshaha xukuumadda uu hoggaamiyo oo dooneysa in la qabto doorasho ay mucaaradku si cad u diideen oo ah qof iyo cod ah.
Kulamada waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo lagu sheegay kuwa lagu adkeynayo muhiimadda wada-shaqeynta si loo gaaro xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara.
HBN ONLINE TV

