Madaxweyne Xasan Sheekh oo shuruuddo adag hordhigay Hay’adda socdaalka sida la dagaallanka argagixsada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta isaga oo ku sugnaa xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, wuxuu halkaas kula hadlay madaxda iyo saraakiisha hay’adda, waxaana uu ku boorriyey inay si adag u fuliyaan shuruucda socdaalka, lana xaqiijiyo hufnaanta iyo daahfurnaanta adeegyada ay muwaadiniintu helayaan oo ay ku jiraan arimo badan ay ku jirto ka hortagga kooxdaha Argagixsaddu ku jiraan.

Wuxuu xusay in hay’addu ay door weyn ku leedahay la dagaallanka argagixisada, tahriibka, iyo socdaalka sharci darrada ah, si looga hortago in danbiilayaal ama xubno ka tirsan kooxaha halista ah ay si fudud ku soo galaan dalka. Saraakiisha hay’adda ayuu hordhigay inay si adag uga hortagaan qulqulka iyo socdaalka kooxaha dowladda aanay ogolayn.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waa laf-dhabarta sugidda amniga iyo ilaalinta xuduudaha dalka. Taasi waxay ku xirantahay sida aad ugu adeegtaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo sida aad u hubisaan xogta qof kasta oo dalka soo gelaya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Intii uu kormeerka socday, Madaxweynaha ayaa dhageystay warbixin dhammeystiran oo ay soo jeediyeen Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, kuwaas oo faahfaahiyay qorshayaasha lagu casriyeynayo adeegyada hay’adda, lana daadejinayo adeegyada muwaadiniinta si loo xoojiyo hannaanka amniga iyo maamulka socdaalka dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed