Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika ee Addis Ababa ayaa sheegay in abaartii ugu daran afartankii sano ee la soo dhaafay ay saamaysay ku dhawaad 8 milyan oo qof, taas oo keentay barakac iyo dhibaatooyin dhaqaale.
Wuxuu xusay in Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin ay ka mid yihiin: Qorshaha Qaran oo lagu xoojinayo adkaysiga deegaanka, ololaha cagaaraynta oo lagu beerayo 10 milyan oo geed iyo sameynta Sanduuqa Qaran ee Cimilada.
“Soomaaliya door yar ayay ku leedahay asbaabaha keena isbeddelka cimilada, balse waxaan ka mid nahay dalalka ugu nugul dhibaatadeeda. Abaartii ugu xumeyd afartankii sano ee la soo dhaafay ayaa saamaysay 7.8 milyan oo qof, taas oo sababtay barakac iyo dhibaatooyin dhaqaale” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Xasan Sheekh ayaa ku nuux-nuuxsaday in Soomaaliya door aad u yar ku leedahay sababaha keena isbeddelka cimilada, balse ay ka mid tahay dalalka ugu nugul saameynta.
Wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhasha cimilada loona gaaro go’aanno waxtar leh oo heer qaaradeed ah.
HBN ONLINE TV