Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in guuldarrooyinka lagala kulmo dagaalka aysan micnaheedu ahayn fashil, isagoo xusay in labadii sano ee la soo dhaafay ay dowladda guulo gaartay.
Wuxuu arrintan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shir ku saabsan xuquuqda aadanaha oo ka dhacay Muqdisho, isagoo sidoo kale sheegay in dowladdu wado dagaal guud oo dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.
“Laba sano ayaanu adkaanay,mararka qaar haddii la inaga adkaado maaha dagaalkii waa lagu fashilmay” ayuu yiri madaxaweyne Xasan.
Wuxuu ku eedeeyay Al-Shabaab in ay si xadgudub ah ugu tumaday xuquuqda muwaadiniinta, iyagoo dhiig daadinta iyo boobka hantida shacabka u adeegsada sida uu hadalka u dhigay ujeeddooyin uu ku sifeeyey kuwa argagixiso.
Hadalkan madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay la wareegeen degmada Aadan Yabaal, taasoo dowladda aysan weli wax jawaab ah ka bixin in ka badan 10 saacadood.
HBN ONLINE TV