Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay magaalada Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono munaasabadda lagu xusayo 25 sano guuradii shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Tuulada Carta sanadkii 2000.
Safarkiisa ayaa astaan u ah xiriirka adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaana la filayaa inuu kulan rasmi ah la yeesho Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo door weyn ku lahaa gogoshii Carta.
Munaasabadda lagu xusayo sanad-guuradan ayaa waxaa ka qeybgalaya madax sare oo ka kala socda Soomaaliya, Jabuuti iyo dalal kale oo caalamka ah, iyada oo magaalada Jabuuti ay ku qulqulayaan siyaasiyiin, culimo, iyo xubno ka socda bulshada rayidka Soomaaliya.
Dad badan oo dibadda uga soo safray ayaa sidoo kale ka mid ah martida xuska, si ay uga qeyb qaataan madashan taariikhiga ah ee lagu xusuusanayo kaalintii Jabuuti ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Shirkii Carta ee dhacay sanadkii 2000 ayaa ahaa mid taariikhi ah oo horseeday samaysankii dowladdii kumeelgaarka ahayd, taas oo bilow u noqotay geeddi-socodka dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya. Tan iyo markaas, dalka wuxuu soo maray lix madaxweyne, kuwaas oo mid walba door ka ciyaaray dhismaha iyo kobcinta hay’adaha dowladeed ee ka dhashay shirkii Carta.
Si kastaba ha ahaatee, 25 sano kadib, Soomaaliya wali waxay la daalaa dhacaysaa khilaafaad siyaasadeed, dagaallo qabaa’il iyo kalsooni darro siyaasadeed. Inkasta oo shirkii Carta lagu dhisay rajo iyo midnimo, hadana muranno iyo is qabqabsi ayaa weli ka dhex jira madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan arrimaha awood qeybsiga iyo khayraadka dalka.
Habka awood qeybsiga ee ku dhisan qabiilka ayaa noqday caqabad weyn oo hortaagan dib u heshiisiinta, iyadoo uu abuuray tartan iyo kalsooni darro beeleed. Sidoo kale, faragelinta dalal shisheeye oo ay ku jirto mid siyaasadeed iyo ciidan ayaa sii adkaysay in Soomaalidu si madax-bannaan u gaarto heshiis iyo midnimo qaran.
Amniga dalka ayaa weli ah mid jilicsan, iyadoo gobollada qaar ay Alshabaab weli ku xoogan yihiin, taas oo carqalad ku noqotay dadaallada dowlad dhiska iyo horumarka. Muqdisho oo ah xarunta dowladda ayaa leh amni la xakameeyay, haddana amniga guud ee dalka wali waa mid aan degganayn.
Gebogabadii, xuska 25 sano guuradii Carta wuxuu dib u xusuusinayaa muhiimadda wada hadal, isu tanaasul iyo midnimo qaran. Si loo gaaro nabad waarta iyo dowladnimo dhab ah, hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed waa inay dib ugu noqdaan ruuxdii iyo himiladii Carta, taas oo ahayd in la helo Soomaaliya mideysan, nabad ah, oo ka madaxbannaan faragelin dibadeed.
HBN ONLINE TV

