Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ka daah furay shirka maalgashiga Beeraha Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweyne looga hadlayo maalgashiga Beeraha dalka si sare loogu qaado dakhliga gudaha iyo fursadaha shaqooyinka soo baxaya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya uu alle ku manneystay dhul beereed baaxad weyn oo khayraadka ku jira badan yahay isla markaana u baahan in la helo fursado lagu maalgashado.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS waxaa ka qeyb galaya wasiirada Beeraha Dowlad-Goboleedyada, Ganacsatada Maalgelisa Beeraha, Quburo caalami ah & Safiirro kala metalaya Dalalka Qaar ee Muqdisho safaaradaha ku leh.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Yoolka uu yahay in Dalka uu gaaro isku filnaasho dhinaca cuntada ah.

“Shirka Beeraha yookiisu waxa uu yahay sidii aan u gaari lahayn isku filnaasho Cunto oo aan Caalamka wax u dhoofino, Soomaaliya waxa ay mar ku dhowaatay in ay heerkaas gaarto” Wasiirka Beeraha XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Safiirrada iyo madaxda kala duwan ee ka qaybgashay shirkaan isla markaana khudbadaha ka jeediyay madasha ayaa bogaadiyay isbaddelka ka jira dhinaca horumarinta waxsoosaarka Soomaaliya taasina ay tahay fursad muhiim u ah oo looga gudbi karo dhibaatooyinka jira.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed