Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay furimaha dagaalka oo labadii cisho ka hor uga soo tagay la kulanka wafdiga sare ee uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Muqdisho wadahadalo uu kula yeeshay.
Warbaahinta Dowladda Soomaaliya oo si kooban uga hadashay dib ugu laabashada furimaha hore ee dagaalka Madaxweynaha ayaa sheegtay in uu sii hoggaamin doono dagaalka ka dhanka Alshabaab ee gobollada Hirshabeelle, isaga oo deegaanno kala duwan dib uga abaabulaya kulamada iyo fadhiyada looga hadlayo howlgallada.
Intii lagu jiray kulankii Maxamuud Cali Yuusuf guddoomiyaha Midowga Afrika ee ree Jabuuti iyo Xasan Sheekh ayaa waxaa laga wadahadlay dagaalka ka dhanka kooxda Alshaabab iyo howlgalka AUSSOM, iyada oo golohu garab istaag xooggan u muujiyey Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxtooyada Soomaaliya oo horay uga hadashay ayaa carrababatay in madaxweynuhu go’aansaday in uu furimaha dagaalka waqti kula qaato ciidamada iskaashanaya ee federaalka & Macawiisleyda oo halkaas difaac iyo weeraro ugu jira.
Amniga deegaannada uu booqanayo oo aad loo adkeeyey ayaa waxaa la geeyey Ciidamo ka tirsan ilaaladiisa iyo sirdoonka qaranka, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato waxgaradka, saraakiisha Ciidamada iyo bulshada qeybahooda kala duwan si uu uga hadlo dagaalka Alshabaab oo meel xasaasi ah maraa.
Madaxweyne Xasan oo wax ka yar laba todobaad dhowr jeer u dib ugu laab laabtay Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa socdaalkan u yahay kii sii 3-aad, ka dib safarkii 18-kii bishaan Maarso ee uu furinta hore ku tagay.
HBN ONLINE TV