Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Maxamed Axmed Amiir oo la sheegay in uu aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimha dhaqaalaha, horumarinta bulshada, maamulka iyo maaraynta.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo howlkarnimo leh ugu adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.

Guddoomiyaha xilka banaaneyna Yuusuf Xuseen Madaale oo markaan kiisii labaad ahaa muda xileedkan dhamaaday ayaa gobolka soo xukumayey ku dhawaad 2 sano iyo bar, tan iyo 7-dii September 2022-kii.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed