Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado inuu tago Baydhabo

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa maalmaha soo socda inuu gaaro magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo si rasmi ah ay ula wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS maamulkii hore ee Koonfur Galbeed.

Safarka Madaxweynaha oo uu xaqiijiyey guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo lagu xasilinayo xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, isla markaana dib loogu dhisayo maamulka gobolka.

Guddoomiye, Aadan Madoobe oo ka hadlay qorshaha dhismaha maamulka cusub ee Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in uu Madaxweynaha qeyb ka noqon doono dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka socda gobolka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada si loo dhageysto aragtidooda loona xoojiyo wada-hadalka.

“Anagu waxaan u nimid in dib u heshiis dhamaystirno, dadka shakiga qaba, shakiga laga bixiyo, markaas kadibna loo gudbo sidii dowladdii Koonfur Galbeed dhismaheedii dadku markii ay is waafaqaan doorasho xalaal ah deegaanka looga qaban lahaa, xitaa madaxweynaha Jamhuuriyadda waa inoo imaan doonaa, bulshada qeybaheeda kala duwan waa la kulmi doonaa ” ayuu yiri Guddoomiye Aaden Madoobe.

Magaalada Baydhabo hadda waxaa ku sugan xubnihii ugu badnaa ee mucaaradka iyo muxaafidka Koonfur Galbeed ee ku jira siyaasadda dowladda dhexe, kuwaa oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, Awkhaafta Mukhtaar Roobow Cali, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Xasan Xuseen Maxamed oo loo yaqaan Xasan Eelaay, Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah la-taliyaha arrimaha Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 2-aad Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabd, xildhibaanno ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka, siyaasiin iyo madax kale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed