Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir degdeg ah ku qabtay Madaxtooyada, kaas oo uu la yeeshay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada qalabka sida ee dalka, si uu warbixin buuxda uga helo xaaladda cakiran ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Kulanka ayaa yimid ka dib markii todobaadyadii u dambeeyay ay dib u soo laba kacleeyeen weerarrada Alshabaab, gaar ahaan gobolka Shabeellada Dhexe oo kooxdu dhowaan si xoog ah uga qabsatay magaalada Aadan Yabaal – oo ahayd xaruntii istiraatiijiga ahayd ee dowladda Soomaaliya u adeegsan jirtay hagista howlgallada socda.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu saraakiisha Ciidamada faray dardar-galinta dagaalka iyo in si wanaagsan loo isku xiro gulufyada ka socda gobollada dalka, si looga hortago in Alshabaab mar kale hesho fursad ay ku xoojiso isku xirnaanteeda gobolka dhexe iyo koonfurta dalka.
Madaxweynaha ayaa warbixino rasmi ah ka dhageystay saraakiisha ciidamada, kuwaas oo uga xog warramay xaaladda deegaanka, guulaha iyo caqabadaha iyo sidoo kale qorshayaasha lagu doonayo in lagu xoreeyo meelaha ay kooxda weli ku sugantahay.
Kulankan waxa uu ku soo beegmay xilli dowladda Soomaaliya la kulantay dharbaaxo siyaasadeed iyo mid amni, kaddib markii Alshabaab ay si buuxda ula wareegeen degmada Aadan Yabaal – dhacdadan oo loo arko mid saameyn ku yeelan karta qorshaha dagaalka dowladda ee ku wajahan ciribtirka Alshabaab.
Ilo-wareedyo ku dhow ciidamada ayaa sheegay in ay socdaan abaabul ciidan iyo dhaqdhaqaaqyo cusub oo looga golleeyahay in dib loo helo degmadaasi iyo deegaanada kale ee istiraatiijiga ah.
HBN ONLINE TV