Kulan xasaasi ah oo maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wuxuu ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno miisaan culus leh oo ka tirsan mucaaradka siyaasadda dalka. Kulankaas oo qeyb ka ah gogosha wadatashiga qaran, ayaa lagu sheegay in la isla meel dhigay qodobo waaweyn oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu Aqalka dalka looga arimiyo ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka iyo xubno kale oo door muhiim ah ku leh hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Qodobada laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa : Dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka, Qabashada doorashooyin dadweyne oo si toos ah loo doorto madaxda iyo Wada-shaqeyn lagu ciribtirayo argagixisada iyo xoojinta amniga guud
Sida oo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in ay sii waddo gogosha wadatashiga qaran, si loo helo heshiis siyaasadeed oo sal adag u ah dimoqraadiyad iyo nabad waarta oo dalka ku timaada.
Ugu dambeyntii, dowladda ayaa ku celisay ballanqaadkeeda ah in wada-hadalka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda iyo mucaaradka uu yahay waddada kaliya ee lagu gaari karo mustaqbal xasilloon, dimoqraadi ah, isla markaana bulshada Soomaaliyeed mideyn kara.
HBN ONLINE TV