Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan afur iyo mahadcelin isugu jira la yeeshay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, kadib meel-marintii wax-ka-beddelka Dastuurka dalka.
Casuumaddan ayaa ku soo aadaysa xilli uu madaxweynuhu ku tilmaamay ansixinta dastuurka cusub “guul taariikhi ah” oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, kadib geeddi-socod dib-u-eegista iyo dhameystir ah oo socday muddo 14 sano ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu muddo dheer ku shaqeynayay nidaam ku-meel-gaar ah, kaas oo uu ku tilmaamay “dabar sharciyeed” iyo caqabad hor istaagtay xasilloonida buuxda.
Wuxuu xusay in ku-meel-gaarnimadu ay saameyn ku yeelatay siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo xiriirka caalamiga ah.
“Maanta safarkaas ee qarankeenu uu soo galay wuxuu gaaray yoolkii uu hiigsanayay oo ah helitaanka saldhig sharciyeed oo dhamaystiran, kaas oo haga howlaha hay’adaha dowladda isla markaana awood u siinaya Ummadda Soomaaliyeed jihaynta siyaasadda dalka,” ayuu yiri madaxweynuhu.
HBN ONLINE TV

