Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la yeeshay qaybaha bulsho xilli ay taagan yihiin khilaafaadka doorashooyinka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay madaxtooyada Soomaaliya xubno ka socday bulshada rayidka, waxaana is aragooda looga hadlay sida la sheegay dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed, dhismaha dowladnimada iyo horumarka laga sameeyay amniga iyo doorashooyinka qof iyo codka ah.

Sida ay sheegtay Villa Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu kulanka la yeeshay ku adkeeyay doorkooda xoojinta dowladnimada iyo kobcinta ka qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka. Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ay mudnaan siinayso dhismaha hay’adaha dowladda iyo hirgelinta hannaan doorasho oo toos ah.

Sidoo kale, Kulanka ayaa looga hadlay doorka nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo Madaxweynaha uu ku bogaadiyay xubnaha kulanka uu la yeeshay dadaallada sida la tilmaamay ay ku bixiyaan wacyigelinta bulshada, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo xoojinta wadajirka shacabka.

Dhankooda, xubnaha bulshada rayidka ah ayaa Madaxweynaha la wadaagay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan xoojinta dimuqraadiyadda, daahfurnaanta dowladnimada, horumarinta adeegyada bulshada iyo adkaynta wada shaqaynta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wallow aan la soo bandhigin wax intaasi dhaafsan, hadane waxaa la og yahay xubnaha bulshada rayidku iny ka qeyb yihiin dhinacyada wax ka wada xal u helida khilaafka mcuaaradka iyo DFS oo si weyn isugu diidan arimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed