Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay doorka Shiinuhu ku leeyahay Soomaaliya iyo qorshaha dowladda ee ku aaddan ka faa’iidaysiga iskaashiga Beijing, gaar ahaan dhinacyada horumarinta beeraha, la tacaalidda abaaraha iyo maalgelinta Afrika ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay mid aad u sareeya oo leh fursado badan oo dhinacyo kala duwan leh.
Madaxweynaha ayaa Shiinaha uga mahadceliyay xiriirka soo jireenka ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir diblomaasiyadeed oo soo jiray 65 sano, isla markaana Shiinuhu uu mar walba garab taagnaa midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Shiinuhu door muuqda ka qaatay horumarinta wax-soosaarka beeraha Soomaaliya, gaar ahaan taageeradii uu bixiyay 70-meeyadii iyo 80-meeyadii ee abuurka bariiska, iyo sidoo kale ka faa’iidaysiga khayraadka badda, taasoo uu ku tilmaamay mid saldhig u noqotay iskaashi waara.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in inta badan qalabka ay adeegsadaan shirkadaha dalka ka howlgala iyo agabka elektarooniga ah ee Soomaaliya laga isticmaalo ay ka yimaadaan Shiinaha, taasoo muujinaysa in Soomaaliya ay tahay suuq furan oo xiriir ganacsi oo ballaaran la leh Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay taageerada ballaaran ee Shiinuhu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan kaalmada la xiriirta gurmadka abaaraha, wax ka qabashada saameyntii cudurka COVID-19, iyo garab istaagga difaaca badda Soomaaliya, isagoo adkeeyay in iskaashiga labada dal uu sii xoojin doono horumarka dalka.
HBN Online TV

