Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay caqabado ka ka jira fursadaha Xajka ee Sooomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey dhaliilo culus oo ka soo laabtay habka loo maamulo qoondada Soomaaliya ka hesho Xajka iyo qaabka dadka loogu sii qeybiyo ayaa sheegay in loo baahan yahay in fursadaha jira dadka loo simo si xujeyda u helaan jaaniska sanadlaha ah.

Xasan Sheekh oo sheegay in tirada dadka Soomaaliyeed si degdeg ah ayay u kordhaysaa, ay hadda jiraan caqabado sida in dad sano is xigxiga ay ku laabtaan xajka, halka muwaadin aan weligiis tagin xajka uu dhibane u yahay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhibka taagan uu salka ku hayo qoondo horay loo siiyey dalka, taasi oo uu tilmaamay inay aad u kooban tahay tirada dadka dalka ka xajinaya, ayna soo baxday xili hore.

Wuxuu carrabaaby Madaxweyne Xasan inay ku jiraan dadaal ah sidii loo kordhin lahaa tirada xujeyda Soomaaliya helayno mustaqbalka dhow.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa farriin digniin ah oo uu u diray kooxaha loogu yeero argagixisada ku sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay la dagaallanka fikirka argagixisada caadeystay sida uu hadalka u dhigay gumaadka shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta goobaha Diinta.

“Qofkii ka soo laabta fikirka gurracan ee argagixisada waan soo dhaweynaynaa, waxa uuna la xaq iyo xuquuq noqon [doonaa] shacabka Soomaaliyeed. Qorshaha arxan darrada ah ee argagixisada waxa uu ku soo ururay xaggee dad badan joogaan aan qarxinnee. Ma waxaas baa diin iyo caqli ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed