Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay Kismaayo iyo Jubbaland fariin ka bixisay socdaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahayd mid si heer sare ah loo diyaariyay, iyadoo magaalada laga dareemayay abaabul iyo diyaar garow ballaaran. Markii uu madaxweynaha ka soo degay diyaaradda, labada madaxweyne ayaa si wadajir ah ugu socday roogga cas, halkaas oo ciidamo kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka iyo Jubbaland ay soo bandhigeen muuqaal muujinaya xasillooni iyo is-afgarad siyaasadeed.

Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin ujeeddada safarka madaxweynaha ee Kismaayo, haddana socdaalkani wuxuu astaan u yahay isbeddel siyaasadeed oo cusub, kaddib muddo khilaaf adag iyo xiisado siyaasadeed ay ka jireen gudaha Jubbaland iyo xukuumadda federaalka.

Sida ay ku warantay warbaahinta ku hadasha afka Jubbaland,  socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku qotomo xalinta khilaafka maamulka iyo dowladda dhexe, waxaana wafdiga loo gudbiyey guriga martida ee Kismaayo.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa socdaalka madaxweynaha ku tilmaamay mid lagu doonayo dib u soo celinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac, taas oo muhiim u ah xasilinta iyo dib u dhiska maamulka Jubbaland iyo guud ahaan dowladnimada Soomaaliya.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed