Madaxweyne Xasan Sheekh oo isugu yeeray shir Puntland, Jubbaland iyo mucaarad Muqdisho, ka hor 15-ka May

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu baaqay wada-hadal iyo shir siyaasadeed oo uu la yeelanayo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ku jira Golaha Mustaqbalka oo ay ku midaysan yihiin maamullada Puntland, Jubbaland & Mucaaridka Muqdisho, ka hor 15-ka Maay, si looga wada hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

War saxaafadeed ay soo saartay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu in casuumaaddan ay timid, kadib kulammo iyo wadatashiyo madaxweyne Xasan Sheekh uu muddooyinkii u dambeeyay la lahaa siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo 10-ka bishaan May 2026, kaasi oo diiradda lagu saari doono 4 qodob oo u udub dhexaad looga dhigay ayna ku jirto jihada siyaasadeed ee mustaqbalka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in waqtigan la joogo ay muhiim tahay in la helo isfaham, isu-tanaasul iyo niyad-sami si wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah oo laga gaaro natiijo wax ku ool ah.

“Kulankan wuxuu salka ku hayaa baahida loo qabo in si niyadsami, daah-furnaan iyo mas’uuliyad leh looga wadahadalo arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan geeddi-socodka dowlad-dhiska sida doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka, iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in la xoojiyo hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, is-afgarad, iyo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed