Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta degmada Warta Nabadda ku maray habraaca is-diiwaangelinta doorashada qof iyo cod, isagoo helay shahaadada rasmiga ah ee codbixiyaha, kuna ammaanay Guddiga Doorashooyinka Madaxabannaan dadaallada ay wadaan, inkasta oo xubnaha mucaaradka ay si weyn uga falceliyeen.
Wuxuu shacabka ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadda si ay u gutaan xaqooda dastuuriga ah, isla markaana bogaadiyay laamaha amniga, maamulka degmooyinka iyo bulshada ka qeybqaadanaysa geeddi-socodka.
Dhanka kale, mucaaradka ayaa tallaabadan si dhow ula socday, iyagoo weli khilaaf ka taagan yahay wax ka beddelka Cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah, waxaana wareegii afraad ee wadahadallada labada dhinac uu ku dhammaaday natiijo la’aan. Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa inay dib isugu soo laabtaan si go’aan looga gaaro arimaha miiska saaran ee la isku hayo.
Is-diiwaangelinta madaxweynaha ayaa qayb ka ah hirgelinta qorshaha guud ee nidaamka qof iyo cod, kaasi oo horey ugu biireen Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, iyadoo doorashooyinka dowladaha hoose lagu hormarinayo nidaamkan ka hor doorashada qaran.
HBN ONLINE TV