Madaxweyne Xasan Sheekh oo guul ku tilmaamay dhammaadka Sahanka Shidaalka ee Turkigu ka Sameeyey Xeebaha Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqday markabka baarista shidaalka ee “Oruc Reis”, oo muddooyinkii dambe ka waday sahanno badeed oo dhanka khayraadka ah xeebaha dalka, isagoo si rasmi ah ugu dhawaaqay dhammaadka wejiga sahanka shidaalka ee Turkigu ka fuliyay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay khubarada Turkiga iyo shaqaalaha Soomaaliyeed ee la shaqeynayay, wuxuuna ku tilmaamay dadaalkooda mid istiraatiiji ah oo guul weyn u ah dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in natiijada baaristan ay muujineyso in Soomaaliya ay leedahay kheyraad dabiici ah oo qiimo badan, islamarkaana ay fure u noqon karto koboca dhaqaalaha, horumarka bulshada, iyo maalgeshiga caalamiga ah.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo xusay in Turkigu yahay saaxiib istiraatiiji ah oo hormuud ka ah maalgeshiga Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayso sidii loo horumarin lahaa ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, si loo xalliyo duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira. Waxa uu sheegay in sahankan uu bilow u yahay wejiyo kale oo horumarineed, isla markaana ay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay in laga dhabeeyo riyada ah in kheyraadka dalku noqdo isha horumar waara.

Sahanka-shidaal ee laga sameeyay xeebaha Soomaaliya oo uu Turkigu hormuud ka yahay ayaa loo arkaa mid taariikhi ah, kaas oo furi kara albaab cusub oo maalgashi, shaqo abuur iyo horumar dhaqaale u ah Soomaaliya, iyadoo la rajeynayo in natiijooyinkii laga helay la faahfaahin doono maalmaha soo socda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed