Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin adag u diray raysal wasaaraha Israa’iil

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu jeediyey munaasabadda caleemasaarka madaxda maamulka Waqooyi Bari kaga hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira xaaladda dalka iyo tan caalamka, isaga oo si gaar ah u taabtay xiisadaha taagan sida ay saameyn ugu yeesheen Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in isbeddellada caalamiga ah ay u baahan yihiin feejignaan iyo midnnimo qaran. Madaxweynaha ayaa ka hadlay mowqifka iyo rabitaanka Israa’iil, gaar ahaan arrimaha la xiriira doonista geeska Afrika iyo xiriirka ay la yeelanayso Somaliland.
“Waxaan cod dheer ku leeyahay marna suurtogal ma aha in Israa’iil ay ka sameysato Soomaaliya dhexdeeda dowlad fulisa istaraatiijyaddeeda gurracan. Suurtogal ma aha in istaraatijayadahaas gurracan ay gobolkan ka hana qaadaan ama dowlad Israa’iil wakiil uga noqota, u shaqeysa sidii ay iyadu rabto suurtogal nagama ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa ku celiyey diidmada Dowladda Federaalka ee arrimahaas, isaga oo “Dhul boobka Israa’iil waa maya!, waana khad-cas oo aanay ahayn in laga gudbo”, wuxuu madaxweynuhu adkeeyey in go’aanka aqoonsigu dan u ahayn Soomaaliya iyo gobolka ay qeybta ka tahay ee Afrika.

Si kastaba, waxaa laga dareemayey hadalkiisa inuu ku adkeynayey hadalo uu meelo kale duwan horay uga jeediyey, wuxuuna yiri “Natenyahu isaga ayaa go’doon ku jira, kama yeelayno inuu qaybo ka mid ah shacabkeena Soomaaliyeed, go’doonka uu ku jiro oo kale uu galiyo”.

Wuxuu si cad u sheegay in “aqbalaada aqoonsiga Natenyahune, dadkeena go’doona ayey dadkeena galinee, qaybo ka mid ah, wax la aqbalo maaha”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay maxaabiista u kala xiran dhinacyada Somaliland iyo Waqooyi Bari, isaga oo arrintan ku celceliyey dhowr jeer intii uu hadalka ku jiray. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in maxaabiistaasi ay tahay in si nabad ah loo sii daayo, wuxuuna muujiyey in dowladda federaalku ay u aragto arrintaas mid mudnaan gaar ah leh.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey fariin uu si dadban ugu diray dhinacyada khilaafku u dhexeeyo, isaga oo sheegay in waddada nabaddu ay furan tahay.

Wuxuu yiri in “dagaalkii la arkay dhammaaday, cid kasta oo ku biirta nidaamka iyo maamulkii la dhisay ay ka heli doonto nabad,” taas oo dad badan u fasirteen fariin muujinaysa in maxaabiistu ay tahay in la sii daayo shuruud la’aan. Khudbadda Madaxweynaha ayaa dhalisay falcelinno kala duwan oo ku aaddan mowqifka dowladda federaalka ee arrimaha Somaliland iyo nabadda Waqooyi Bari.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed