Madaxweyne Xasan Sheekh oo faahfaahiyey waxay isku hayaan isaga iyo mucaaradka

Isaga oo ka hadlay xiritaanka gogosha Muqdisho Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tafaasiil dheeraad ah ka baxshay waxay isku hayaan isaga iyo xubnaha mucaaradka ku ah.

Wuxuu Sheegay in dhamaan ay ka mideysan yihiin in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo laga gudbo, balse ay jiraan arimo yaryar oo farsamo oo uu tilmaamay in ku dhaganaantooda ay wax badan ka lumineyso fursadihii hormarka ee dalka.

Madaxaweyne Xasan ayaa carrabaabay in kala aragti duwanaan dhexdooda isaga iyo Mucaaradka lagu xalin karo wadahadal.

“Ma jiro qof Soomaali ah oo aan kala xiran nahay. Walaalihii dhawaan ku shiray Muqdisho waxaan ka wada dhannahay in aan dib loogu laaban doorasho dadban, wixii aan ku kala aragti duwannahayna waxaa lagu xallin karaa wada hadal.” ayuu yiri madaxaweyne Xasan Sheekh.

Inkasta oo uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in la qaban doono doorasho doorasho iyo cod ah, hadane weli xubnaha mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in laga wadahadlo qaabka iyo sida loo qabanayo doorashada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed