Madaxweyne Xasan Sheekh oo ergo ka socday Midowga Yurub kala hadlay qorshaha qabsoomidda shirka wadatashiga qaran

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay wakiillo ka socda Midowga Yurub, isaga oo u soo bandhigay qorshaha iyo qaban-qaabada qabsoomidda shirka wadatashiga qaran oo uu mar sii horreysey gogoshiisa dhigey.

Shirkan waxaa looga hadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Doorkooda muhiimka ah ee Soomaaliya ayaa lagu amaanay Midowga Yurub ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo taageerada nidaamka federaalka, xilliyadii adkaa.

Sidoo kale, madaxtooyada Soomaaliya ayaa tilmaamay inuu wado madaxweynuhu qorsheyaal dib-u-heshiisiinta, xoojinta dowlad-wanaagga iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda ee salka ku haya doorashada tooska ah, isagoo soo bandhigay qaban-qaabada qabsoomidda shirka wadatashiga qaran iyo tallaabooyinka xasilinta siyaasadda dalka.

Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan, midnimada, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaaa casumaad u dirtay Dowlad-goboleedyada oo idil marka laga reebo Jubbaland, waxaana ay shuruud uga dhigtay inuu ka laabato doorashadii September ee Kismaayo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed